Fadliga maalinta jimcada iyo cibaadooynka lagaa rabo, qofka muslimka ah in uu sameeyo

0
193

Idalenews-baladweyne) Nabiga ayaa waxuu yiri”Maalinta uugu qeyrka badan ey qoraxdu soo baxdo waa maalinta jimcada.”

Sidoo kale Nabiga wuxuu yiri: ”Salaadaha shanta iyo jimca ka jimca iyo ramadaan ilaa ramadaan waa dambi dhaaf inta u dhaxeyso hadii uu ka fogaado kabaairta.” (Muslim)

Waxaa jiro cibaadoyn gaar u ah maalinta jimcada eynan la wadaagin maalmaha kale waxaa ka mid ah:

1.Salaada jimcada iyo isku diyaarinteeda (maqaalka soo socdo ayaan sifiican u faahfaahdoonna inshallah).

2.In maalinta jimcada la aqriyo suuratul kahf (Suuradaan qofkii xifdiyo 10 aayad ee hore riwaayad kalena 10 aayad ee dambe waxey kaa xifdinaayaan dajjaal).

3 In lagu tukado salaadda subax ee maalinta jimcada suuratul sajda rakcada koowad tan labaadna suuratul insaan.

4.Waxaa ku jiro waqti ducada la aqbalo oona culumadu u badanyihiin in ey tahay:
a.malinta u dhaxeyso aadaanka jimcada ilaa laga galaayo salaada jimcada
b. ama salaada casir kadib ilaa maqribka

5.In la badiyo ku sallinta nabiga sallalaahu caleihi wa sallam.