Waxaa maanta oo Sabti ah la qorsheeyey inuu ka furmo magaalada Muqdisho Kalfadhigaa Shanaad Fadhigiisa Koowaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka yeelanayaan.
Maalmo ka hor ayaa Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar waxa uu sheegay in 20-ka Bisha oo maanta ku beegan la furayo Kulanka Baarlamaanka sidaa awgeedna Xildhibaanada lagu wargeliyey inay soo xaadiraan.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay yihiin kuwo kusugan Magaalada Muqdisho waxaana xalay ilaa shalay lagu wargelinayey inay kulanka maanta ay yimaadaan si ay goob joog u noqdaan furitaanka Kalfadhiga Shanaad fadhigiisa koowaad.
Baarlamaanka ayaa waxa horyaala ansaxinta Sharci hoosaadyo wasaaradaha Xukuumada ay kol hore usoo gudbiyeen ka hor inta uusan baarlamaanka fasaxa aadin waxaana ugu muhiimsan Sharciga la dagaalanka Argagaxisada oo Xukuumada u aragta mid ay Shabaab ku ciribtiri karto hadii Baarlamaanku ansaxiyo.
Amaanka Xarunta Baarlamaanka ku shiro ayaa aad loo adkeeyey iyadoona iminka Mudanayaasha Baarlamaanku ay kusii qul qulayaan halkaasi waxaana la filayaa in Madax katirsan Dawlada in furitaanka Kulanka maanta ay goob joog ka noqdaan.