Muqdisho(INO)- Shabakada Warbaahinta Idale News Online& Radio Idale ayaa heshay xog muujinaysa in Faarax Sh Cabdulqaadir Max’ed oo ah siyaasi si weyn loogu yaqaano udhawaanshaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, todobaadkan loo magacaabi doono Taliyaha ugu sareeya nabadsugida Qaranka Soomaaliya.
Farah Abdulkadir waa nin si weyn ugu dhex jiray Siyaasada Soomaaliya, gaar ahaana sannadyadii udambeeyey, iyadoo la rumeysan yahay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay soo bixitaanka Madaxweyne-nimo ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Warar hoose ayaa muujinaya in uu Madaxweynaha Soomaaliya umagacabayo Farah xilkan, maadaama uu xil ka waayay golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.
Siyaasigan ayaa ladagay oo khilaaf isaga ka bilowday awgiis uga tagay labadii Raysalwasare-nimo ee ugu dambeeyey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, inkastoo Cumar Abdirashiid uusan hada ku soo darin golihiisa Xukuumada.
Magacaabida Faarax Cabdulqaadir Max’ed ayaa ka dhigan in kooxda DAMU JADIID ama kooxda Madaxweynuhu gaarayso yoolal dhaadheer ah oo sii hogaaminta dalka, marka la gaaro xataa Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.