Faalo: “QORI & QIIQIISA WAA LA ISLA TUURAA”, Dhamaadkii Shariif Xasan & Xasan Sheikh

0
251

Mogadishu (INO) – Madaxweynaha Maamulka KGS, Shariif Xasan Sheikh ayaa si deg deg ah ku gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ee dowlad goboleedka KGS ka dib markii culeys gudaha iyo dibada uu soo foodsaarey.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan ku guul dareystey hankiisii ahaa inuu dalka Somalia ka noqdo Madaxweyne,  musharaxii uu taageeraayey ee C/rashiid Xidig waayey kursiga gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ujeedkiisa safarkaan gaaban ee uu Baydhabo ku yimid  salka ku hayaa sidii uu furfuri lahaa mooshin ay diyaariyeen xildhibaanada KGS loogana soo horjeedaan maamulkiisa.  Hase ahaatee kulamadii Shariifku la yeeshey Xildhibaanada KGS ayaa ku dhamaadey fashil.

Dhanka kale, Shirar kala gedisan oo lagu diidan yahay siyaasadda Shariif Xasan  ayaa sidoo kale ka socda gudaha dalka iyo dibadiisa (Muqdisho, Nairobi & USA).  Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in siyaasiyiinta shirarkaasi ku lugta leh la yeesheen kulamo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Somalia iyo  kuwa gobolka geeska Africa, waxayna u gudbiyeen cadeymo ku saabsan xaalada KGS, abaaraha ka jira iyo talooyin ku saabsan maamulka xumida KGS & siyaasadda guud ee dalka Somalia.

Siyaasiyiinta qaar oo ku sugan dalka Mareykanka oo la kulmey safiirka Mareykan ee Somalia Stephen Schwart & Xafiiska Wasaarada dibadda Mareykanka ee arrimaha Somalia (Somali Desk) ayaa muujiyey  baahida loo qabo in la helo isbedel siyaasadeed oo maamulka KGS lagu sameeyo inuu yahay mid u keeni karo deganaan siyaasadeed isla markaasna meesha ka saari kara waxyeelada ay geestaan kooxaha nabadiidka iyo fududeynta socodka deegaanada kala duwan ee dalka.

Waxayna sidoo kale, kala hadleen in madaxweynaha KGS Shariif Xasan Sheikh Aadan oo siyaasada dalka ku jiray laga soo bilaabo dowladii Carta ilaa hadda in uu kaalin weyn ku leeyahay carqalada ah in laga baxo nidaamka 4.5,  in la helo doorasho hal cod iyo qof, xasilooni siyaasadeed iyo sidoo kale inuu ka qeyb yahay musuqmaasuq baahsan ee gaarey min magaalo iyo tuulo. Haddii aan talaabo degdeg ahna laga qaadin, aysan suurtogal aheyn in Somalia yeelato dowlad iyo institution adag oo lagu hormarin karo dowlad wanaaga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Idale News Online.