Saadaashii ugu dambeystey ee uu qabtey Televisionka caanka ah ee lagu magacaabo NBC ayaa tilmaamaaya in Madaxweyne Barack Obama 1 point ama 1 dhibic ka horeeyo musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ahna Governor laga soo doorto Gobalka Massachusetts, Governer Mitt Romney. Obama ayaa waxa uu haystaa 47% halka Mitt Romney uu isna haysna 46%.
Waxaa xusid mudan in qaabka Mareykanku wax ku doortaan aysan ahayn qofkii ugu cod bata inuu madaxweyne ka noqonaaya dalka Mareykanka balse taas bedelkeeda dalka Mareykanka Waxaa jira ama la isticmaalaa system ama hab loogu yeero “Electoral Colleges” taas oo ku salaysan baaxada gobalka, dadka ku nool iyo gobol kastaa inta xildhibaan ee uu leeyahay. Sidaas darteed Musharaxii hela codadka ugu badan ee dadka gobalka degan ayaa noqonaaya musharaxa hela dhamaan Electoral Votes ama Electoral College uu gobolkaasu leeyahay.
538 Electoral Colleges (Electoral Votes) ayaa ah tirada guud ee Electoral Votes Gobolada Dalka Mareykanka lagu saleeyey. 270 Electoral Colleges ayaa looga baahan yahay qofka qabanaayo xilka madaxtinimada dalka Mareykanka.
Doorashada Mareykanka ayaa waxaa xudun u ah sagaal Gobal oo loogu magac darey Battleground States ama Swing State oo ah gobolo dhex dhexaad ah oo markastaa laysku haysto xisbigii ku guuleystano uu qabanaayo hoggaanka wadanka. Waxaana Goboladaasi ka mid ah: Ohio , Wisconsin, Virginia, Florida , Colorado , Nevada, New Mexico, North Carolina, New Hampshire iyo Iowa. Dhamaaan goboladaas aan soo sheegney ayaa ah gobaladda ugu muhiimsan ee go’aamiyo madaxtinimada dalka mareykanka, isla markaasna laga qaato cabirka guusha doorashooyinka ka dhaca dalka Mareykanka.
Gobolada go’aamin kara doorasahada labada Musharax ee Dimoqraadiga (Madaxweyne Obama) iyo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga (Governer Mitt Romney) ayaa tirada codadka hadda la haayo waxay u kala horeeyaan sidaan soo socota:
Saadaal laga soo xigtey Ururka Joornaalistayaasha Mareykanka ee loo yaqaan Politicco ayaa sheegaayaa in Madaxweyne Obama uu hadda haysta 237 Electoral Votes, tiradaas oo uu ka helay goballada aan lagu muran saneyn (non-battleground States) oo ay u badan yihiin taageerayaasha Xisbiga Dimoqraadiga. Hase ahaatee Obama ayaa 6 ka mid ah 9 gobal ee la isku haysta (batttleground States) wax xoogaa kaga horeeya Ritt Romney. waxaana goboladaasi ka mid ah Colorado oo leh (9 Electoral Votes), Iowa (6 Electoral Votes), Nevada (6 Electoral Votes), New Hampshire (4 Electoral Votes), Ohio (18 Electoral votes ), iyo Wisconsin oo leh (10 Electoral Votes). Isugeynta Electoral Votes 6taas gobol ayaa ah 53 Electoral votes taas u sahleysa President Obama in uu ku guuleysto mar kale xilka madaxtinimada mareykanka, isla markaasna ka dhigeysa in uu helo codad ka badan 270 Electoral Votes oo ah intii uu Madaxweyne Obama u baahnaa in mar kale uu hanto madaxtinimada aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka 4ta sano ee soo socoto. FG: Isugeynta non-battleground and battleground states ayaa ah: 237 + (9+6+6+4+18+10 ) = 290 Electoral Votes
Sida Isla Ururkaas Suxufiyiinta Mareykanku sheegeen Mitt Romney ayaa hadda haysta 191 Electoral Votes kuwaas uu ka helay gobalada aan lagu muransaneyn ee Jamhuuriyiintu u badan yihiin. Laakiin Marka la eego gobolada la isku haysto Governer Romney, 3 ka mid ah ayuu tiro yar ku hogaaminaayaa sida North Carolina oo leh (15 Electorate College ama Electorate votes), Virginia oo iyaduna leh (13 Electoral Votes), iyo Gobolka ugu muhiimsan doorashada ee Florida oo leh codadka ugu badan (29 Electoral Votes). Isugaynta Guusha Goboladaas la isku haysto ayaa Musharax Xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney siineysa codad gaaraaya 57 Electoral Votes. Wadarta guud ee Gobalada Mitt Romney hogaanka u haayo ayaa ah 191 + 57 = 248 Electoral Votes taasoo ka hoosaysa tirada 270 ee uu Mitt Romney u baahan yahay inuu helo si uu u noqdo Madaxweynaha dalka Mareykanka.
Saadaashaan gobolada la isku haysto ee sagaalka ah ayaa laga yaabaa in saacad kastaa isbedel ku yimaado hase ahaatee maalin ka hor doorshada ka dhici doonta dalka Mareykanka iyo saadaasha taagan in ka yar 24 saac waxaa muuqata in Barack Obama ku guuleysto codadka ugu badan ee Electoral Votes taasoo soo afjaridoonta hardamka siyaasadeed iyo lacagaha aad u badan ee ku baxa ololaha doorashada Madaxtinimada dalka markaykanka.
Idale News Minneapolis, MN