Faallo Xiiso Leh: Dood Dhexmartay Mr.Doolaal Iyo Mr.Degaanle ! By: Wariye Cabdinur Mayow Cali.

0
218

Dood si wey u dhexmarey mr. doodaal  Iyo Mr. degaanle waxay u dhacdey sidan:-

Mr. Doolaal: Aniga waxaan aad ula yaabanahay dadku waxa ay federaalka u rabaan, maxaayeeley waxaa nahay dad isku diin ah, isku dhaqan ah iyo isku af ah oo aan sina u kala maarmi karin.

Mr. Deegaanle: Waa run diintu way naga dhexeysaa hadii aad sida ay tahay dhaqmeyso, laakiin isku dhaqanna ma ihin isku afna ma ihin, federaalka micnihiisuna ma ahan in kala maarmayo oo waxaaba naga dhexeynaya jamhuuriyadda.

Mr. Doolaal: federaalku sow ma ahan in dalka lakala googooyo oo dadka xuduudo loo kala dhexeysiiyo?.

Mr. Deegaanle: Taasi waa sida adiga ay kula tahay, ee federaalku waa qeybinta maamulka iyo is xukun hoosaadyo deegaan kasta uu yeesho si talada dalka ay qeyb ugu qaataan dadweynaha deegaan kasta.

Mr. Doolaal: Qofka aan u dhalan deegaanka dowlad goboleedka laga dhisayo miyaa laga tarxiilayaa deegaankaasi, oo maxay xaaladiisa ku dambeyn doontaa?.

Mr. Deegaanle: Maya, qof kasta oo soomaali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu dego, ku noolaado, ku ganacsado dowlad goboleed kasta oo ka mid ah dalka soomaaliya, laakiin waxaa waajib ku noqoneysa inuu u hogaansamo talada iyo maamulka dadka iska leh deegaankaasi.

Mr. Doolaal: 20-ka sano ee la soo dhaafey aniga ayaa talada deegaankan dowlad goboleedka laga dhisayo la iiga dambeeyey, ka dib markii la saarey dowladdii militeriga ahayd, ee hadda sidey ku suurto geli kartaa inaan dad kale ka dambeeyo?

Mr. Deegaanle: Inaad ka dambeyso talada dadka deegaanka iska leh dantaada ayaa ku jira, hadii kale waxaa laga dhabeyn doonaa tarxiilka adiguba aad sheegtey.

Mr. Doolaal: Hantidii aan ku yeeshey deegaanka dowlad goboleedka dhexdiisa mudada 20-ka sano ahayd si kastaba aan ku yeeshee, sida beerihii aan qabsadey, guryihii aan qabsadey iyo agabyada kale ee aan dhacay sow sideeda la iigu deyn maayo?

Mr. Deegaanle: Maya, sideeda laguuguma deynayo, ee waxaa jiri doona maxkamad loo xilsaari doono kiisaskaasi, cadeymo iyo markhaati ka dib ayaa lagaa wereejin doonaa.

Mr. Doolaal: Sow kolkaa dagaal sokeeye uun dib u bilaaban mayo?.

Mr. Deegaanle: Sabab uu dagaal sokeeye dib ugu bilaaban karaa ma jirto, wixii dulmi iyo xaqdaro aad ku qaadatey ayuunbaa sharciga kaa qaadayaa.

wariye mayow

Wariye Cabdi Nuur Mayow Cali Idale News Online, Baydhabo.