Faallo: Sooyaalka dunidan aan ku nool nahay marba meel ayuu soo marayey, waqti kastana waxaa hormuud u noqonayey waxgaradka xiliyadaasi dunida joogey, لكل زمان له رجال” “dhamaan shucuubta soo martey aduunkan aan ku nool nahay waxay lahaayeen taariikh, dhaqamo, caadooyin iyo nidaamyo kala duwan oo ay xurmeeyaan ku kalana dambeyn jireen.
Bulsho kasta waxay leedahay qeybo kala duwan oo qeyb kasta ay qeybta kale iskaashi iyo wada noolaansho kala dhexeyso, sida: odayaasha dhaqanka, culima’udiinka, aqoonyhanada, ganacsatada, xirfadleyda, dhalinyarada iyo haweenka waxay ka wada tirsan yihiin bulshada qeybaheeda kala duwan hadana waxay yihiin kuwo isku kaaba nolosha iyo jiritaanka bulshadaasi.
Qeybahaasi aan kor ku soo sheegney ma jirto mid mida kale ka maaranto oo keligeed talo lahaan karta si ay u sii jirto, gaar ahaan casriga aan hadda mareyno.
Hadii talada iyo aayaha umaddu uu noqoto mid ay si gaar ah u maamushaan dad isku arka in go’aankoodu aan go’aan kale la soo bar bar dhigi karin, waxaa meeshaasi laga filan karaa bur bur iyo kala tag dhow,
Tan iyo markii uu bilowdey kala arigti duwanaashaha gogosha shirweynaha baydhabo iyo sidii loo maamuli lahaa masiirka dadkeena iyo deegaanadeen
Waxaa yaraatey rajada laga qabi karo in dadku ay heshiin karaan oo ay is faham abuuri karaan, wada hadli karaan, taasi bedelkeeda waxaa soo if baxay in qolaba qolada kale ay u aragto inay khaldan yihiin isla markaan ay yihiin kuwo u adeegaya dano dad kale, oo aysan mudneyn in talada deegaanada DM laga qeybgeliyo,
Taasi waxay keentey in dhinac kasta isaga oo sheeganaya taageerada bulshada uu iskiisa u dhisto sidii uu wax u rabtey hadana uu awoodi kari waayey meel marinta rabitaankiisa.
Si kastaba ha ahaatee wali waxaa muuqda in lagu hadlayo, anaga ayaa leh aayo ka talinta DM, kuwa qaba aragti ka duwan teena talada waxba kuma lahaan karaan mana hadli karaan,sida hoos ku xusan:-
- Teena ayaa jirta
- Teena ha ahaato
- Anagaa niri
- Yaa naga daba hadli kara
- Yaa wax ka bedeli kara wixii aan sameyney
Arinka sidaa wuu ka duwan yahay
يقول الله سبحانه وتعالى, “وأمرهم شورى بين”
Hadaba akhristow sow lama dhihi karo, “SHALEY WAAD TALO XUMEYD, XALAYNA WAAD OROD XUMEYD, WALINA WAAD FIIRO GAABAN TAHAY“
Si kastaba ha ahaatee waxaa ila haboon in caqliga uu shaqeeyo xikmaduna ay wax maamusho, deegaanka wuu idinka dhexeeyaa dadkana waad wada tihiin, xalka wuxuu ku yimaadaa isla fadhiisasho iyo wada hadlid, is faquuqidana waa lagu ku fogaadaa.
Wariye Cabdinuur Mayow Cali, Idle News Online, Baydhabo,