Faallo Xigmadeysan: Beelaha Aw Digil Daysame Cidna Uma Maqna, Mirifle-na Ceel uma qodna. By: Madaale

0
192

Digil cidna uma maqna, Mirifle-na Ceel uma qodna “Waxa socda ninkaan garan, waxa soo socdana ma garto” Haddii Dowladi xumaato mar ama labo, waxaa caado u ah Baarlamaanka dalku leeyahay in ay dib u baaraan waxa dhacay ee dowladdu u xumaatay, si aysan mar labaad u dhicin xumaantaasi. Soomalida muddoyinkaan dambe waxaa soomaray 4 madaxweyne iyo 12 Rasii’sul Wasaare oo maamulka ku heshiinwaayey.

Arrintaas waxay ragaadisay howlihii Qarankaan burburay ee Soomaaliya oo loo baahnaa in dib loodhiso. Yaa marka laga sugaayey in ay xal u helaan oo wax cad ka qabtaan madaxweynayaasha iyo R/W-yaasha marwalba dagaalamaya. Madaxweyne Hassan Culusow Garguurte kuwii ka horeeyey waxay ku dhaqmayeen “Charter” laakiin hadda waxaa naloo sameeyey Dastuur uu hoggaminayey dad uu madax u ahaa Maxamed Osman Jawaahir oo ay ku baxday diyaarintiisa $60.000.000 ($60 millions) 800 oo qof oo shacabka Soomaali degma-walba laga keenay, waa sida naloo sheegay, afhayeenna waxaa u ahaa Prof. Xussein Warsame ayaa ansixiyey.

Dastuurkaa waa kii lagu doortay Guddoomiyaha barlamanka kaddibna lagu doortay Madaxweynaha, sal-dhigna u ahaa ictiraafkii beesha Caalamku ay aqoonsatay dowladdaa. Maxaa yeelay waxaa loo arkay in madaxda Soomaalidu xeer iyo dastuur kala haga qofkasta oo madax ahna qeexaya hawshiisa yeelatey, si aanay u dhicin isqabasho iyo iska horimaad maamulka khuseeya, loona badbaadiyo danta Shacabka iyo Hantida Qaranka, yey ahayd in ay dhowraan “gate keepers” ku dhaqanka dastuurka? Waxay ahay baarlamanka Soomalida in uu xukuumada la xisaabtamo oo kula xisaabtamo wax qabadka iyo fulinta howlaha ummadda.

Lakiin nasiibdarro waxaa caddaatay in Madaxweyne Xassan Culusow Garguurte uu u yeeriyo tilaabo kasta oo Jawaahiri iyo barlamaakiisu qaadayaan, taasna Golaha Shacabka waxay u badashey Golaha Sacabka. Jawaahiri, Maxamed Siyad Barre buu wasiir u ahaan jiray wuxuuna ku soo barbaaray Madaxweyne milateri ah oo aan laga dabahadal, marka dhaqankii kacaanka ayuu Maskaxda kuhayaa bay ilatahay ee in uu Madaxweynaha ka saareeyo isumaba-haysto, kuna diidikaro wixii dastuurka qilaafsan, bil cagsi wixii madaxweyne Xassan uu u yeeriyaba wuu u Sacabtumayaa. Madaxnimada waxaa loo doontaa 4 taan arrin midkood: 1) In aad xukun jeceshahay (power hunger). 2) In aad xoolo jeceshahay oo maal aad xaddo ka raadineysid (corruption). 3) In aad xoolo badantahay oo aad xoolahaga ku ilaashaneysid (Wealth protection). 4) Iyo in aad isbadal doontahay oo aad degaankaas dooneysid in wax ka badasho xaladda uu ku suganyahay.

Su’aasha Akhristayaasha aan weydiinayo ayaa ah, Xildhibaanada guud ahaan, gaar ahaan Xildhibaanada DM maxay kula tahay iney meesha u doonteen? anigu waxay ila tahay 95% waxay u doonteen iney Hantida Qaranka iyo tan Shacabkaba xadaan, marka ogaada waa kii Tuulo iibiya, kii Degmo iibiya, kii Gobal iibiya, iyo kii Dalka iibsada…!!! kuwa D I M iyaga awoodooda madhama iney Dalka wax ka gataan, marka laga reebo Shariif  Xasan , waxaan saas u iri hadda kahor ayuu Badda wax ka iibsadey.

kuwa kale sifadooda waa sidaan “Fadlan baaritaan kusameeya Aqoontooda mas’uuliyiinta DM matasha min Tuulo, Degmo, Gobal, Xubin Barlamaan, illaa Wasiir iyo kuxigeen, waa 4% illaa 5% ayaa Dugsi Quraan iyo School tagey, marka maxaan ka fileynaa Shaqsi Jaahil ah, Xaasid ah, Fuley ah, Doqon ah, Sheegad ah macnaha reerakale AMA Dalalkale sheeganaya sida waxa loo yaqaan ‘Geegii mariidi’, Faqiir ah, Maangaab ah?” xigasho: maqaalkii Fatxi Xaaji “Nin Culus”. Sheekadu waa “Digil cidna uma maqna, Mirifle-na Ceel uma qodna”. 

W/Q:  Madaale 

digilIYoBiyamaal

Idale News Online, Afgooye.