NY(INO)- Guushii uu Donald Trump ka gaaray doorashadii Madaxtinimo ee dalka Mareykanka waxay mustaqbalka Afrika uga dhigantahay mid aan la saadaalin Karin.
Doorasho Khiyaali ah oo dadka deggan deegaanka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Mareykanka ee haatan xilka hayaa Barack Obama oo ku taalla galbeedka Kenya ayaa waxaa ku guuleysatay Hillary Clinton, balse dadka codeynayay qaarkood ayaaba Donlad Trump oo waligood aysan arkin u codeeyay.
Dadka deegaanka Kogelo ayaa hadda sheegayaa in ay doonayeen in guusha ay raacdo Hillary Clinton, ayna aad uga xun yihiin in Trump uu guuleysto, Waxayna sheegeen in madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uusan Kenya ka heli doonin soo dhaweyn la mid ah tii shacabka Kenya ay u sameeyeen Obama, waa haddii uu dalkooda yimaado.
Obama ayaa dalka Kenya la wadaaga xiriir wanaagsan maddaama uu aabihiis u dhashay Kenya, waxa uuna markii xafiska uu qabtay uu hirgaliyay mashruucyo lagu horumarinayo qaaradda Afrika kuwaasoo ay ka mid tahay in la labo jibaaro gaarsiinta korontada goobaha aan nalka lahayn ee ku yaalla Qaaradda Afrika.
Mareykanka waxa uu gargaarka bini-aadaminimo ee Afrika iyo maal galinteedaba ku bixiyay Balaayiin Doollar, balse lama hubo Trump tallaabada uu qaadi doono, mana la hubo inta uu ka yaqaano Qaaradda Afrika.
Trump waxa uu Afrika ka sheegay wax yar, “ma u maleynaayo in uu wax badan ka yaqaano qaaradda” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha machadka daraasaadka amniga ee Koonfur Afrika Jakkie Cilliers.
Waxa uu gudoomiyaha intaasi ku daray in laga yaabo in Trump uu muhiimad siiyo waxa danta ay ugu jirto Mareykanka oo kali ah.
Waxyaabaha kale ee Mareykanka uu Afrika gacanta ka siiyay waxaa ka mid ah arrimaha amaanka. Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah qaaradda ku soo gala, iyagoo tillaabo ka qaada maleshiiyaadka islaamiyiinta ee Qaaradda ku badanaya.
Waxaa jiro xarumo ay ka duulaan diyaarado dagaal iyo ciidamo si gaar ah uu tababaran oo la socda dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjiriinta ah ee ay ka midka yihiin Kooxda sheegata dowladda Islaamka iyo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee ka dagaalama qaaradda.
Waxyaabaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in Trump Afrika u qabto waxaa ka mid ah:
-Mintidiinta islaamiyiinta iyo qolyaha dadka tahriibiya ee gobolka saaxil iyo koofurta lama degaanka saxaaraha, ee hubka iyo muhaajiriinta galiya Libya.
-Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa sidii ay u noqon lahayd dawlad-federaal oo si buuxda u shaqaysa, deganaanshaheedana waxaa weli caqabad ku ah Al Shabaab oo iminka ay hor taagan yihiin quwado shisheeye iyo dayaaradaha maraykanka ee bilaa duuliyaha ah.
-Itoobiya oo ah dalka siyaasadda iyo dhaqaalaha geeska afrika ugu horreeya oo dhibaato gudaheeda ah ay haysato, ayadoo xaalad degdeg ah la galiyey.
-Shiinaha, Kuuriya, Turkiga iyo Iimaaraadka carabta oo lacag ku bixinaya sidii ay Afrika saamayn ugu yeelan lahaayeen.
-Dagaalka sokeeye ee suudaanta koofureed oo bara kiciyey kumanaan qof oo gobolka ku firirsan,kuwassoo ay haysato cunno yari.
-Iyo dhibaatooyin kale oo soo muuqda, ayadoo ay jiraan madaxweyneyaal si isa sii taraysa xukunka ugu sii dheggan, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo oo doorashooyinkii dib loo dhigay.
Hadalladii qalafsanaa ee uu Trump ku hadlayay xilligii ololaha doorashadiisa ayaa dad badan oo aan dalkaasi uu dhalan cabsi geliyay.
Balse waxaa jira hubaal la’aan ku aaddan waxa ay Afrika Trump uga dhiganaan doonto. Qaaradda waxay il gaar ah ku eegi doontaa bal inta uu ficil ahaan u sameyn doono hadalladii uu ku hadlay xilligii ololihiisa.