Faallo: Farmaajo Faaladaan Iga Gaarsiiya ficil Ha u Bedelee

0
213

Muqdisho(INO)- 8 Bishii la soo dhaafay ee  febaraayo ayaa dalka Somaaliya waxa uu galay waji cusub,waxana taasi sii dheeraa in dadka badan ay aamineen in ay rumoowday riyadii shacabka Somaaliyeed ay sugayeen mudo ka badan 26 Sano markii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya ay ka jawaabeen dareenka Shacabka ee ahaa in uuna mar dalka uu madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiyinta iyo shacabka qaarkood ayaa aaminsanaa in Farmaajo uusan heli doonin kalsoonida baarlamaanka Somaaliya balse uu ku soo bixi doono Codka Shacabka Somaaliyed balse wax walbo wax ay isbedleen markii intii ay socotay doorashada Madaweynaha Somaaliya codad farabadan uu helay Farmaajo,oo la arkayay in lagu cel celinaayo Magaca Maxamed Cabdullaahi farmaajo Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

15 Maalin kadib madaxweyne Farmaajo,ayaa ku dhawaaqay in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu u magacaabay Xasan Cali Keyre,oo ah Ruux aan Siyaasada lagu aqoon in kastoo Hay’addo dhanka dalka Dibadiisa ah uu ka shaqeeyay,taasna waxa ay kamid aheyd Guulihii uu gaaray Madaxweyne Farmaajo,waayo dadka Siyaasada indha indheeya ayaa qalbigooda ku hayay dad ay u arkaan in ay ka agdhaw yihiin Ra’iisul Wasaare in loo magacaabi doono balse taasi waxaa ay beenoowday markii xili aroor ah uu ku dhawaaqay Xasan Cali kheyre.

Hadaba rumowday rajadii shacabka Maalinta 8 Maarsana  loogu magacdar  Maalinta Guusha shacabka Maxaa la gudboon Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan soo qaato dhowr qodob oo ka guuxaya maskaxda shacabka Somaaliyeed.

  • Soo dhisida dowlad dhameestiran oo ay  shacabku leeyihiin loona dhiibo dad aqoon u leh Maamulida Shacab mudo dhibaato heysatay.
  • Dhanka amniga oo ah awooda koowaad ee dal walba uu ku dhisan yahay hadii ay shacabku dareemaan mudo bil Gudaheed ah Nabad taasi waxay kor u qaadeysaa kalsoonida Shacabka waxayna kamid tahay qodobadda laga sugayo Madaxweyne Farmaajo.
  • Wax ka qabashada dadka ay abaartu saameysay oo ku nool gobolada dalka Somaaliya iyo kuwa dhimanayaasha ah ee ku waxyeeloobay  dagaaladii sokeeye iyo qaraxyadii  dalka ka dhacay.
  • U abuurida shaqo dhalinyarada Somaaliyeed ee ku sugan Gudaha dalka iyo kuwa Dibadda ku sugan ee aan waxba ku heyn in uun ay yihiin kuwo qurba joog ah kuwaas oo u baahan in dib loo soo celiyo lagana dhaadhiciyo wadaniyadda waxa ay tahay iyo ku qanacsiinta Shaqo noloshooda wax ka bedeli karta.
  • Soo badbaadinta dhalinyarada Somaaliyeed ee isugu jira rag iyo Dumar kuwaas oo sisharcidaro ah ugu xiran wadamada Caalamka qaarkood islamarkaana ay iloobeen madaxdii ka horeeysay.
  • Xal u helida Dagaal beleedyo soo laab laabtay oo ka dhaca qaar kamid ah gobolada dalka Somaaliya haba ugu badnaatee degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose iyo tuulooyinka hoostaga iyo dib u heshiisiin loo sameeyo Odayasha dhaqanka beelaha si Maleeshiyaadka aysan markale ugu dhiiran in ay dagaalamaan.
  • Wadahadalo lala furo dhinacyada dowladda ka soo horjeeda ee dagaalka kula jira dowladda Somaaliya iyo dib u furida degmooyin Go’doonsan taas oo sababtay in maciishada ay kor u kacdo sameena ku yaalatay qoysasa danyar ah oo ku nool deegaanada Go’doonsan.

Ma ahan wax qoraal halmaalin ah lagu soo koobi karo qorshaha culus ee horyaala Xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo waxa ay ka fili karaan,balse waxa igu dhaliyay faaladan in aan adkeeyo balanqaadyadii ii uu horay u sameeyay iyo waliba in aan matalo dareenka shacabka waxa qalbigooda ka guuxaya taas oo aan ugu magacdaray.