Faahfaahin Qasaaraha Qaraxyada Muqdisho iyo Mas’uuliyiin ku dhaawacmay

0
314

Muqdisho(INO)-Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa Labo Qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Hoteelka Centeral ee Magaalada Muqdisho xili lagu jiray Salaada Qudbo.

qaraxa-fiyooraha-8

Qaraxa hore ayaa ka dhashay Gaari yaalay gudaha Hoteelka, waxaana xigay Qarax kale oo Qof uu fuliyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Hoteelka.

Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay, ilaa hada inta la ogyahay waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen sida ilo kala duwan aan kasoo xiganay.

Warar aan la xaqiijin oo aan kasoo xiganay ilo wareedyo ku dhow Hoteelka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar, Darawalkiisa iyo Mas’uuliyiin kale ay ku dhaawacmeen Qaraxayada.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray, iyadoo dhaawacyo badan oo laga qaaday halkaasi la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here