Wararka naga soo gaaraaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnihii la socday wafdigii maanta dawlada u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee loo diiday inay gudaha u galaan magaalada caasimada u ah Gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa IdaleNews uga waramay sidii ay u dhacday falkii ishortaaga ahaa ee ay saraakiisha ururka Raskambooni ku sameeyeen maanta.
Wafdigan ayaa ka koobnaa toddobo (10) xubnood oo dhanka dawlada Soomaaliya ka socday isuguna jiray ururada bulshada rayidka, saraakiil dawlada ah iyo ganacsato, waxaa sidoo kale wafdiga la socday illaa shan xubnood oo ka tirsan xafiiska AMISOM ee Muqdisho iyo saraakiil dhanka warbaahinta u qaabilsan AMISOM.
Mid ka mid ah xubnaha wafdiga oo galabta markii uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho la hadlay Shabakada IdaleNews ayaa sheegay in saaka abaare 8:30 ay ka duuleen garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana xilli wax yar ka hor duhurkii ah ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, markii ay diyaaradooda caga dhigatayna ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan kooxda Raskambooni oo ku wargelisay inaysan diyaarada ka degin ayna dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.
Xubnaha wafdiga la socday diyaarada waxaa ka mid ahaa:
1- Baarliin Maxamed Cali (Baarliin Cadami) – oo ah gudoomiyaha guddi dawlada dhowaan u magacawday arimaha Jubbooyinka.
2- Col. C/laahi Cali Caanood- oo ah taliyaha guutada 2aad ee ciidanka militariga dawlada Soomaaliya.
3- Ganacsade Salaad Gabayre – oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed (Heyb dhow yihiin Madaxweyne Xasan).
4- Jen Cismaan Subagle – oo ka mid ah abaanduilayaasha ciidamada dawlada.
Maxay ahayd ujeedada safarka wafdigan ku tageen Kismaayo?
Sida IdaleNews Baarliin Cadami oo ah gudoomiyaha guddiga loo saaray arimaha Jubbooyinka, ujeedka safarka maanta wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku gaaraan magaalada Kismaayo, ayna u socdeen saddex arimood oo muhim ah.
– Waa marka koowaade in masuuliyiinta ciidamada ku sugan Kismaayo, odayaasha dhaqanka iyo maamulkii dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ee ku-meelgaarka ahaa ay kala hadlaan sida loo ambaqadi karo dhismaha iyo diyaarinta maamulo heer deegaan ka soo bilawda oo laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka.
– In laga tashado sidii xal loogu raadin lahaa dhuxusha ku xaniban magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda taasoo dawlada iyo Qaramada Midoobay ay diideen in dibadda loo dhoofiyo, arintaasoo si gaar ah uu uga hadli lahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Salaad Gabayre oo wafdiga ka mid ahaa.
– Arinta saddexaad ee ujeedka socdaalka wafdiga waxay ahayd amaanka guud ahaan gobolada Jubbooyinka, iyadoo si gaar ah looga tashan lahaa hawlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee hadda hakadka ku yimid.
Markii saraakiisha Raskambooni ay amreen in wafdiga ka yimid Muqdisho ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen ayaa waxay diyaaraddii wafdiga siday oo ay iska lahayd shirkadda SKA Air and Logistics ay dib ugu soo duushay magaalada Muqdisho oo ay soo cagadhigatay garoonka Muqdisho.
Dawlada Soomaaliya weli kama hadlin wafdiga ay u dirtay Kismaayo ee dib loo soo celiyey. Sidoo kale saraakiisha Raskambooniyiinta gacanta ku haya Kismaayo kama hadlin sababta ay u soo celiyeen wafdiga ka yimid Muqdisho.
Wafdigan ayaa noqonayaa kii labaad ee dawlada ka socda ee taga Kismaayo, iyadoo socdaalkii ugu horeeyay toddobaad ka hor magaaladaasi ku tageen wafdi uu hogaaminayey wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee dawlada Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Khilaafka Raskambooni iyo dawlada
Muran weyn ayaa beryahan ka dhex taagnaa dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaanka ururka Raskambooni ee hadda ka arimiya Kismaayo. Sida ilo wareedyo ku dhow arimaha waxay IdaleNews u sheegeen in arinta ubucda u ah khilaafka ay tahay labo waxyaabood;-
Arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo hogaanka Raskambooni, gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe uu doonayo in isaga looga dambeeyo, uuna madaxweyne maamul goboleed ka noqdo Jubbooyinka taasoo taageero uu kaga heysto dawlada Kiinya oo IGAD ka tirsan, halka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisa ay doonayaan in maamulada marka hore laga soo bilaabo heer degmo, heer gobol kadibna la sameeyo maamul goboleed la soo doorto.
Arinta kale ee sii kicisay xiisada ayaa ah muranka ka dhashay mamnuucista dhuxusha Kismaayo taalla taasoo haddii ay dhoofi lahayd dhaqaale soo gelin lahayd maamulka Kismaayo.
Dabcan, waxaa intaa dheer in beryihii la soo dhaafay labada dhinac ay isweydaarsanayeen hadalo lidi isku ah, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii saraakiisha dawlada ee booqatay Kismaayo ay Muqdisho ka sheegeen in Raskambooni aysan ahayn urur ay dawladu aqoonsan tahay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho,
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com