Faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Afgooye

0
212

Afgooye(INO)-Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhimatay oo 3 ka mid ah ay yihiin Askarta ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib Dagaal shalay gelinkii dambe Shabaab ay kusoo qaadeen degmadaasi.

Sidoo kale dagaalkaasi waxaa ay waxyeelo ba’an ay kasoo gaartay dadka shacabka ah , waxaana ku dhimatay haweenay ka mid aheyd Ganacsatada degmada Afgooye oo lagu magacaabo Xabiibo.

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye.

Waxaa uu sidoo kale sheegay ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Ugu dambeyntii, Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saaka degan , waxaana la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ay ka wadaan howlgallo kala duwan.

Idale News Online, Afgooye