Faah faahino kasoo baxaya Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotelka City Place.

0
235

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo xalaka dhacay afaafka hore ee Hotelka City Plaza ee Degmada Cabdi Casiis ,xili ay hoteelkaasi ku shirsanaayeen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada iyo Xildhibaano.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari laga soo buuxiyay waxaana la dhigay afaafka hore ee Hotelka City Place , goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxu dhacay markii uu soo hamaaday shir ay Hoteelkaasi ku lahaayeen Saraakiil katirsan Laamaha Amaanka iyo Xildhibaano katirsan Dowlada.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay Qaraxaaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo kale , qaraxa kadib ayaa ciidankii Dowlada iyo ilaaladii kusugneed Hotelka waxa ay fureen rasaas aad u xoogan oo cabsi ku beertay dadkii hotelka ku jiray iyo kuwa ka agdhawaa.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ciidanka Dowlada ay fashiliyeen qaraxaasi , waxa uuna tilmaamay in uu dhacay xili uu Hotelka Shir ugu soo dhamaaday Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada.

Qaraxii xalay ka dhacay Hotelka City Place  ayaa imaanaya xili wali aad looga hadal hayo Magaalada Muqdisho weerarkii todobaadkii hore xubno katirsan Al-Shabaab ku galeen Xarunta Golaha Shacabka xli halkaasi uu shir uga socday Xildhibaanada Baarlamaanka.

kaafi_1

Idale News Online, Muqdisho, Shibis.