Faah Faahin: Warar dheeraad ah oo ku saabsan cida lala eegtay Duqeyntii Soomaaliya ka dhacday

0
218

Diinsoor(INO)-Warar dheeraad ah ayaa ilaa hada ka soo baxaya duqeymo ay shalay maqribnimadii wax yar ka hor ee xiliga Soomaaliya ay fuliyeen diyaaradaha dawladdaha Reer galbeedka, gaar ahaana dawladda Mareykanka, taas oo lagu qaaday saldhigyo ay lahaayen Xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Diyaarado-dagaal

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Baydhabo, Marka iyo Muqdisho ayaa xaqiijinaya in bartilmaameedku ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, isla markaasna udhashay dalka Mareykanka oo la rumeysan yahay in uu tababare wanaagsan u yahay kooxda.

Meesha la weeraray laftigeeda warar kala duwan ayaa ka soo baxay, laakiin ugu dambeyntii xarunta ayaa noqotay saldhig ay lahaayeen askarta Shabaab ee hada loo tababarayo, waxaana meesha joogay xiligaas hogaamiyaasha kooxda qaarkood, gaar ahaana ninka ugu sareeya dhanka howlgalada.

Weerarkan in la qaado waxaa la rumeysan yahay in uu gacan wanaagsan ka geystay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray Ururkan oo hada gacanta ugu jira dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Hay’ada Sirdoonka Qaranka.

In la kordhiyo duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ayaa ahayd qaraar ay isla qaateen golayaasha amniga Mareykanka, waxaana duqeymahan ay qeyb ka yihiin dagaal weyne ay dawladda Mareykanku kula jirto dhinacyada taabacsan Al-Qaacida iyo Daacish.

Idale News Online, Diinsoor.