Faah Faahin: Villa Soomaaliya Oo La Duqeeyay

0
211

Muqdisho (INO) — Duqeyn Madaafiic ah ayaa Maanta waxaa loo geestay Villa Somalia, Aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Teaser Image Fah Faahin: Villa Somalia oo la duqeeyay {Dhageyso}

Ugu yaraan 5 Hoobiye ayaa ku kala dhacay Banaanka iyo Gudaha Villa Somalia gaar ahaan halka la dhigo Baabuurta Madaxweynaha iyo Safaaradda Jabuuti oo halkaasi ku dhextaalla.

Sidoo kale, Hal Madfac ayaa wuxuu ku dhacay Afaafka hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mana loo sheegin Khasaaraha ka dhashay.

Dhowr Madfac ayaa waxa ay ku dhaceen Guryo Dad Shacab ah leeyihiin iyo mid uu leeyahay Sarkaal sare oo kamid ah Ciidanka Militariga DFS oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Faarax oo ku yaalla Xaafadda Fiyooraha.

Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray balse Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay Madaafiicdan. Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale Weerar Madaafiic ah lagu garaaco Villa Somalia xilli Dowladda ay gacanta ku hayso guud ahaan Muqdisho.

Idale News Online –  Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here