Faah Faahin: Shaqaaqo Waaberigii Ka Dhacday Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose

0
369

Marka ( INO)-Iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo kuwa dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa waaberigii saaka wax uu ka dhacay Magaalada Marka.

Ugu yaraan 3 qof oo labo dhinacyada dagaalamay ay yihiin ayaa la xaqiijiyay in dhaawac ay kala kulmeen iska hor’imaadkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor’imaadka uu ka dhashay ka gadaal markii ay Ciidamada iyo maleeshiyadu isku qabteen lacago lagu sheegay Canshuur oo laga qaado gaadiidka ka ambabaxa Magaaladaasi ee Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in maalinta Khamiista safarka gaadiidleyda Magaaladaasi ay ugu mashquul badan yihiin taas oo dhalisay is rasaaseynta , canshuuraadka lagu uruuriyo gaadiidka Marka salka ku heysa.

Ma jiro wax war ah oo maamulka iyo Saraakiisha Amniga Magaalada Marka ay ka soo saareen shaqaaqadaasi saaka ka dhacday Marka.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here