Faah faahin: Sababihii Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha loogu xanibay Jomo Kenyatta Air Port

0
181

Nairobi(INO)— Faah faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ay isku dayeen inay u gudaha u galaan magaalada Nairobi, hase ahaatee saraakiisha ammaanka Kenya ayaa u diiday.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in diyaaradii siday Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha aan lagu soo baarin garoonka diyaaradaha Wajer oo sida caadada ah diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya lagu baaro.

Hase ahaatee saacado kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno wasiiro ayaa loo ogolaaday inay gudaha u galaan Nairobi, iyadoo xubnihii kale ee la socday sida Xildhibaano iyo saraakiisha xafiiskiisa lagu xanibay garoonka.

Saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka kenya ayaa sheegay in sababaha wafdiga loo xanibay ay aheyd arrimo amni, maadaama diyaarad qaas ah uu la socday Ra’iisul Wasaaraha aysan soo marin garoonka diyaaradaha Wajeer, halkaasoo inta badan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho lagu baaro.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay, isla markaana laga qaaday baasaboorada, waxaana uu tilmaamay in markii dambe qeybta Taransit-ka loo soo gudbiyay, halkaasoo saacado badan ku xayirnaayeen.

Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saqdii dhexe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, iyagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul, halka xubnihii kale ee Xildhibaanada ahaa ee la xanibay iyana saaka ka dhoofeen.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here