Muqdisho(INO) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay meel ku dhaw guriga hooyooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaa maqaayada The Village ee degmada Xamar-weyne.
Gaariga oo xowlo dheereeye ku soo maray waddada hormarta guriga hooyooyinka ayaa la sheegay in uu rogmaday ka hor inta uusan qarxin, waxaana uu ku dhacay qeyb ka mid ah darbiga maqaayada oo bur bur uu soo gaaray.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo xayiray isku socodkii dadka iyo gadiidka waddada laamiga ah ee hormarta guriga hooyooyinka, iyaga oo halkaa ka wadda baaritaanno la xiriira qaraxa.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah ku saabsan dad ku dhintay weerarkan ismiidaaminta ahaa, marka laga reebo waddihii gaariga qaraxa geystay oo goobta ku dhintay.
Maqaayada The Village oo inta badan ay ku kulmaan wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho, shaqaalaha laamaha kala gadisan ee dowladda iyo dadka rayidka ah ee reer Muqdisho, ayaa marar badan oo hore siddan oo kale loo bartilmaameedsaday, waxaana ku dhintay dad u badnaa rayid oo ay ka mid ahaayeen wariyayaal.