Faah faahin ku saabsan gaari ku qarxay Ex Koontarool Afgooye

0
207

Muqdisho(INO) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhashay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo barqanimadii maanta ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaariga lagu raad joogay kadib markii saddex askari ku dhaawacay degmada Boondheere, hasse ahaatee markii danbe la ogaaday in kooxihii watay gaariga uga tageen Ex Koontarool Afgooye halkaa oo uu ku qarxay.

‘’Gaariga ciidamada ayaa ku raad joogay, kadib markii saakay kooxo hubeysan oo saarnaa ay ku dhaawaceen degmada Boondheere saddex askari’’ayuu yiri afhayeenka

Ugu danbeyntii, Afhayeenka ma uusan sheegin faah faahin intaa dhaafsiisan, hasse ahaatee qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo is daba joog ah oo waayadii ugu danbeeyayba ka dhacay qeybo ka mid ah caasimada iyo gobollada dalka.

Ma jirto ilaa iyo had acid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, hasse ahaatee inta badan qaraxyada iyo weerarada noocan ah ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.