Faah faahin ka soo baxaysa khasaaraha weerar ka dhacay Nawaaxiga Qansaxdheere.

0
211

Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmada Bardaale iyo Qansaxdheere ayaa ku soo warramaya in iska hor imaad khasaaro sababay uu ku dhexmaray halkaasi Kooxo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay kaabayaan Ciidamada AMISOM.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal Al Shabaab ah wadada u galeen kolonyo Ciidanka dowladda iyo AMISOM ah oo ka soo baxay degmada Bardaale kuna sii jeeday deegaanka Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kadib iska hor imaadka la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku raad joogaan sida ay hadalka u dhigeen Kooxihii ka dambeeyay weerarka dhabaha loogu galay Kolonyada Ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Al Shabaab ayaa aalaaba weeraro gaadmo ah kula fiirsada deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool Ciidamada dowladda iyo Ciidamada kale ee caawiya AMISOM.

Qansaxdheere

Idale news online, Baydhabo.