Faah faahin ka soo baxaya duqeyn ka dhacday deegaan hoos-taga degmada Afgooye

0
457

Afgooye(INO)— Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter ay shalay duqeyn ka geysteen deegaanka Furuqley oo 25KM dhinaca waqooyi kaga beegan Afgooye.

Duqeyntan ayaa lala bartilmaameedsaday goob la sheegay in Al-Shabaab ku qaadi jireen canshuuro, waxaana la sheegayaa in duqeynta uu khasaare ka soo gaaray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay illaa shan dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta geystay laga leeyahay dalka Mareykanka, inkastoo dowladda Mareykanka aanay wali ka hadlin duqeyntan.

Khamiistii ayay aheyd markii duqeyn sidan oo kale ah lagu qaaday bar koontarool Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Sabiib, halkaasoo dagaal xoogan uu ku dhex maray ciidamada dowladda, AMISOM iyo ciidamo Mareykan ah oo taageero siinayay.

Weerarada ay geysanayaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda ee Kumaandooska ayaa ku soo badanayay deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Idale News Online, Afgooye