Tiyeegloow (INO)—Maamulka Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Dagaal Culus oo ka dhacay Degaano hoosta Degmada Tiyeegloow.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Tiyeegloow, Xuseen Xasan Ibraahin ayaa sheegay in Dagaalkaasi Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al Shabaab uu ku dhexmaray Degaanka Buulo-Jadiid oo qiyaas ahaan 30Km u jira Degmada Tiyeegloow.
Xuseen Xasan Ibraahin, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Tiyeegloow ayaa waxuu tilmaamay in Ciidamada Huwanta Dagaalkaasi ay Al Shabaab uga Dileen ugu yaran 21 Dagaal yahan.
Waxaa sidoo kale uu qiray in dhankooda laga Dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay IdaleNews.com e ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dhinteen 20 ka mid ahaa dhinacyadii Dagaalamay.
Ilaa iyo hada ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in 21 Dagaal yahan looga Dilay Degaan hoostaga Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Idale News Online, Tiyeeglow