Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere Ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo la sheegay in ka soo horjeesteen hoggaamiyaha kooxdaas Axmed Godane.
Ilo xog ogaal oo ku dhow dhow Axmed Godane ayaa warbaahinta u sheegay in xubnaha la xiray ay ka mid yihiin madixii Shabaabka u qaabilsanaa ajnebiga Cabdullaahi Qanaa, sidoo kale ragga la xiray waxaa ku jirra Cabdullaahi Yuusuf oo Shabaabka u qaabilsan dagaallada Shabeellaha Hoose iyo darawalkiisa.
Si dhab ah looma oga wax yaabaha keenay in uu Axmed Godane saraakiishan xirxiro balse waxaa lee yihahay khilaaf xooggan ayaa ka dhexeeya hoggaanka Al-Shabaab.
Axmed Godane ayaa horrey u khaarijiyay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab waxaana ka mid ahaa Ibraahim Afghani iyo Al Amriiki markii ay isku dhaceen.
Waxaa kaloo Axmed Godane ka soo baxday Xasan Daahir Aweys iyo Maxamed Saciid Atam oo hadda ku jiragacanta dowladda.
Idale News Online, Baardheere.