Faah Faahin Dheerad Ah Dilka Sheekh Aadan Wariish& Amaanka Baydhabo Sii Xumaanayo

0
202

Baydhabo(INO)-Waxaa Xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay mar kale lagu dilay mid kamid ah Culumaa’udiinka ugu caansan Magaaladaasi, amaanka Baydhabo ayaana u muuqda mid maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay.
wariish

Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay gurigiisa ku dhax dilay Sheekh Aadan Macalin Cabdullaah oo dadka qaarkiis ay u yaqaanaan Sheekh Aadan Wariisho , waxaana wadaadkan la dilay uu ahaa Imaamka masjid kuyaala Magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Macalin Cabdullaah , waxa uu kamid aha Cululumaa’udiinka sida weyn looga yaqaanay Magaalada Baydhabo , waxa uuna wadaadkan uu ahaa Imaamka Masaajid weyn oo kuyaala Magaalada Baydhabo.

Wadaadkan xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ayaa noqonaya kii sadaxaad ee maalmo gudahood lagu dilo Magaalada Baydhabo, waxaana horey Magaaladaasi loogu dilay Culumaa’udiinka kala ah Sheekh Shariif Siid Cali, iyo Sheekh Soor-madaare.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa sii xumaanaya xiliyada habeenkii ah, waxaana Magaaladaasi kusoo kordhay beegsiga iyo dilalka loo geesanayo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed taa oo cabsi badan galisay shacabka iyo culumada kunool Magaaladaasi. 

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here