Faah faahin: Dagaalo culus oo wali ka socda duleedka deegaanka Garacad

0
320

Garowe(INO)— Dagaal culus ayaa wali ka socda duleedka deegaanka Garacad, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana dagaalka aaggaas ka socda uu ka culus yahay kuwii maalmihii la soo dhaafay ka socday Togga Suuj ee Gobolka Nugaal.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare kala duwan, iyadoo dhaawacyo ka tirsan ciidanka Puntland la gaarsiiyay deegaanka Garacad oo talis u ah Ciidamado fara badan oo kuwa Puntland ah, kuwaasoo ay hogaaminayaan Wasiirka Amniga iyo Saraakiil ciidan.

Deegaanada ku dhow dhow halka lagu dagaalamayo ayaa laga maqlayaa hub culu culus, waxaana deegaanka uu dagaalka ka socdo oo lagu magacaabo Dabakaraale oo 18KM u jiro Garacad uu yahay deegaan howd leh, isla markaana labada dhinac ee dagaalamaya ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in aagga uu dagaalka ka socdo ay ku sugan yihiin dagaalyahanadii ugu badnaa ee Al-Shabaabkii Isniintii la soo dhaafay doonyaha ku gaaray xeebaha Puntland.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya inay adag tahay in ciidamada Puntland ay jebiyaan xoogagga aagaas ka dagaalamaya, kuwaasoo la soo sheegayo inay heystaan hub culus oo ahaa kuwii Al-Shabaab ka furteen Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa wali wax war ah ka soo bixin dagaalka ka socda duleedka Garacad, waxaana dagaalka uu ahaa mid si xiriir ah u socday saaka barqadii illaa duhurkii, waxaana adag in la helo khasaaraha ah uu geystay dagaalka, marka laga reebo sheegashooyinka Puntland ee ah inay dagaalyahano badan dileen.

Hase ahaatee warbaahinta maxaliga ah ee Puntland ayaa sheegaya inay jiraan maxaabiis lagu qabtay dagaalka, iyadoo tan iyo xalay saraakiisha ay ku cel celinayeen tiro kala duwan.

Dhinaca kale xaalada Togga Suuj ayaa ah mid degan, inkastoo goor sii horeysay Puntland sheegtay inay ka saartay dagaalyahanadii afartii cisho ka dagaalamayay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalyahanadii aaggaas ku jiray inay isaga baxeen oo ay aadeen meelo kale.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa goor sii horeysay sheegay inay soo afjareen dagaalkii Suuj, isla markaana ay soo bandhigi doono khasaaraha iyo goobaha ay ka saareen dagaalyahanada Shabaab.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada ay la galeen Ciidanka Puntland, iyadoo Shabaabka ay maalmo ka hor sheegteen in dagaalyahanadooda isku fidiyeen deegaano ka tirsan Puntland, isla markaana furin dagaal oo cusub ka fureen gobolada waqooyi bari.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here