Afgooye ( INO)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya iyo Ururka Al Shabaab ayaa maanta waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku ekeeyeen Ciidamadani oo ka yimid dhanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in Gaari dagaal oo AMISOM ay leeyihiin in dagaalkaasi ay ku gubeen.
Dhinaciisa Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in gaariga ay gubeen Al Shabaab uu ahaa mid shacab ay wateen isagoo tilmaamay in Ciidanka dowladda 1 Askari oo qura uu uga dhaawacmay dagaalka sida uu hadalka u dhigay.
Deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wararka iminka laga helayo waxa ay sheegayaan in ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Al Shabaab.
Idale News Online, Muqdisho