Faafaahin Qarax goor dhow ka dhacay Mgaalada MarkaCadey

0
297

Marka(INO)-Qaraxa oo ahaa bambaanada gacmaha laga tuuro ayaa goor dhow waxa lagu weeraray Ciidamo Amisom ah oo marayey Suuqa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka shabeelada hoose.

Marka uu dhacay qaraxa ayaa ciidamada amsimom waxa xireen dhamaan wadooyinka ka agdhow halka uu qaraxa ka dhacay islamarkaana waxay dhinacyada u fureen rasaas tira badan walow weli aan lasoo sheegin wax khasaara ah oo ay gaysteen rasaasta ay fureen Ciidamadsa amisom ee qaraxa lala eegtay.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli daqiiqado ka hor uu magalada ka tagay Madaxweynaha Dowlada  koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan waxana la rumaeysanyahay in qaraxan ay ka dambeeyaan kooxo isku soo ekeesiiyey shabaab oo diidan safarka Madaxweyne shariif.

Dowlada  Koonfur galbeed ayaa waxa weli caqabad ku ah kaaba qab qabliyaal dagaal  magaalada marka kula wareegay iyagoo huwan shaarka Shabelle state oo aan ka tanaasulin fikirka gurracan xilli magaaladan ay yeelatay Maamul ay dadka deegaanka soo dooryteen.

Idale News Online, Marka