Faallo Xigmadeysan: Mudac iyo Misaar Midba Meel Mudan! By: Wariye Cabdinuur Mayow Cali.

0
174

Baydhabo: Bulsho kasta oo ku dhaqan deegaan waxay leedahay nidaam iyo kala dambeyn ay ku adkeeyaan midnimadooda iyo jiritaankooda bulshadeed.

Bulshaduna waxay isugu jiraan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, aqoonyahanada, ganacsatada, xirfadleyda, haweenka, dhalinyarada iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, qeybahaasi kala gedisan ee bulshada ka wada tirsan waxay qeyb kasta si gaar ah u leedahay waajibaad u gaar ah oo aan looga maarmin fulinteeda iyo meel marinteeda.

Haddii ay isku khaldamaan waajibaadyada ay kala leeyihiin qeybahaasi aan kor ku soo xusney oo arinku uu noqdo jaantaa rogan, oo odayga dhaqanka uu u xusul duubayo in uu qabto waajibaadka siyaasiga, siyaasigana uu qabanayo waajibaadka odey dhaqameedka waxaa isla markiiba khaldamaya jidka midnimada iyo jiritaanka bulshadaasi, waxaana bulshadaasi ku soo wajahan bur bur iyo kala qeybsanaan daba dheeraada, soomaalidu waxay ku maah maahdaa “MUDAC IYO MISAAR MIDBA MEEL MUDAN” Mudacu magoyn karo geed misaartuna matoli karto haan.

Hadaba akhristow sow lama dhihi karo dhibaatada daba dheeraatey iyo is qab qabsiga bulshadeena u dhexeeya waxaa sabab u ah waajibaadkii bulshada qeybaheeda kala gedisan ay kala lahaayeen oo noqdey mid aan lakala soocin oo jaantaa rogan ah, maxaa yeeley odayaasha dhaqanka waxaa la arkayaa iyaga oo maamulaya siyaasadda, siyaasiyiintuna waxaa la arkyaa iyaga oo ku hawlan maareynta arimaha dhaqanka.

Mahadsanidiin .

wariye mayow

Wariye Cabdinuur Mayow CaliIdale News Online, Baydhaba,