Exclusive: Gobolka Hiiraan oo 2 Gobol laga Dhigayo & Maamul Goboleed Loo Samaynayo

0
219

Beledweyne (INO) — Idale Online ayaa heshay Macluumaad Hoose oo sheegaya in Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay wadaan Qorshe ay ku doonayaan in Gobolka Hiiraan lagu dhigo Labo Gobolka, kadibna loo sameeyo Maamul Goboleed u gaar ah.

Teaser Image Exclusive: Gobolka Hiiraan oo 2 Gobol laga dhigayo & Maamul Goboleed loo samaynayo

Shirka Dib U heshiisiinta & Aayo ka-talinta Gobolka Hiiraan oo hadda ka socdo Beledweyne ayaa la doonayaa in Wajigiisa labaad noqdo Mid Siyaasadeed, oo Maamulka Gobolkaasi lagu dhisayo.

Xildhibaanada Hoos ku xusan ayaa wada Ololaha:

  1. Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre
  2. Xildhibaan Prof Maxamuud Guure
  3. Abukaate Daahir Xasan Cabdi
  4. Xildhibaan Maxamed Cumar Maclow
  5. Xildhibaan Nuur Iidow Bayle
  6. Xildhibaan Xanafi
  7. Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye

Waxay sheegeen in Gobolka Hiiraan oo ka kooban Degmooyinka kala ah Maxaas, Beledweyne, Bula Burde, Jalalaqsi iyo Mataan uu noqon doono Labo Gobol oo la kala yiraahdo Shabeellaha Sare & Hiiraan.

Gobolka Shabeellaha Sare ayaa magacaabay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasina waxay dhabaha u xaaraysaa inay Siyaasaiyiinta Gobolkaasi ay sameeyeen Maamul Goboleed.

Idale News Online – Xafiiska Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here