Ex. Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegey in xiligii Dalaalka uu dhamaadey sameynta maamulkana uu gaba gabo joogo.

0
177

Baydhabo:Wareysi aad  u xiiso badan oo aan la yeeshey Gudoomiye ku xigeenka Hogaannka shirkweynaha maamulka loogu sameynayo koonfur galbeed somaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed isaga oo jooga magalada baydhaba janaay  waxaa uu waxa uu sheegey in howluhu ey marayaan meelihii ugu dambeeyey gudiyo kala duwana la sameeyey.

Gudoomiyaha kol la  weydiyey dadka aan sidaa u badneyn ee aamisan in la sameeyo maamul sedex gobol ah ayaa waxaa uu ku jawaabey in eysan eheyn dad daneynaya dadnta guud ee deegaanka wuxuuna ku sifeyey iney yihiin dad dalaaliin ah rabana iney ku gor gortamaan deegaanada koonfur galbeed.

Modoobe Nuurow maxamed ayaa  hada ah siyaasiyiinta, sida weyn ugu howladan dhameystirka, dowlada koonfur galbeed ee soomaaliya, asagoo geed dheer iyo gaaban intuba maalin kasta u fuula, waxaana uu ku nuxnuxasdey in degaanada 6da Gobol aaney galeynin Gorgorta, isla markaana dadka KG soomaaliya ka tashadeen aayahooda.

waxa uu Nuurow sheegey in la joogo xilligii , midnimada, balse waxa meesha kasaarey in ay dhamaatey xiligii tafaraaruqa iyo dalaalnimada, oo sida la sheegey ay wadaa dad yar oo ka soojeeda lixda gobolka ee KG soomaaliya.

Ugu dambeyntii hadalkan ayaa imaaneyaa xilli labo maalin ka hor shirka maamul u sameynta KG soomaaliya ee Baydhabo looga dhawaaqey gudiyo kala gedisan, kuwaasoo daadi’in doona howlaha shirka iyo qabsoomida doorashada madax-weynaha KGS-state.

Madoobe-Nuunow-

Idale News Online, Baydhab.