EU oo Mushaaraadka ka Dhimaya Ciidamada Burundi Ee Ka Howlgala Soomaaliya

0
277

Brussels ( INO )-Ururka Midowga Europe aya sheegay in ay dhimayaan Mushaarka Ciidamada ka socda Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taasoo Cadaadis lagu saarayo  Madaxweynaha dalkaas oo doonayay in xilka uu isu soo taago markii 3aad.

Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Askar gareysa 5400 oo Askari kuwaasoo ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa  oo la sheegay in sanadkii ay Ciidamadooda helaan Mushaar gaaraya 52 Million oo dollar halka dowladda Burundi la sheegay in Ciidamadeeda ka hesho sanadkii 13 Million oo dollar.

Dowladda ayaa Askari kasta ka  jarta lacag gaareysa 200 Dollar iyadoo la sheegay in Askarigii Mushaar ahaan uu Europe uga qaato lacag dhan 1000 dollar.

Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Europe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay adkaan doonto Ciidamada ka socda dalka Burundi in ay sii wadaan shaqada Nabad ilaalinta ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Midowga Europe ayaa horay u sheegay in 20 Boqolkiiba ay dhimayaan Mushaaraadka ay qaataan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya.

Idale News Online,

Somali News Desk, Brucelles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here