Muqdisho(INO)-Dowlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday xiliga rasmiga oo ciidamada ka jooga Soomaaliya ay kala baxeyso dalka Soomaaliya, ciidamadaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, balse shardi ku xiray.
Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desilen oo la hadlay Teleefishanka CCTV ayaa sheegay in howlgalka ka socda Soomaaliya uu yahay mid meel wanaagsan maraya, kaasi oo suurto galiyay in ciidamada Alshabaab laga saaro degmooyin dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen koofurta Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu dhaliyay in Alshabaab ay ku waayeen saraakiil badan kadib duqeymo ka dhacay dalka Soomaaliya oo lala eegtay saraakiil ka tirsanaa Alshabaab.
“Halka shradi ee naga hortaagan inaan ka baxno Soomaaliya waa ka guuleysashada Al-Shabaab”.
Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo la weydiiyay goorta ay Soomaaliya ka baxayaan ayaa sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka bixi doonaan marka ay xaqiijiyaan amaanka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sharuud ka dhigay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegaan guud ahaan dalka Soomaaliya xiligaasi oo uu sheegay iney isku filnaan gaari karto dowlada Soomaaliya.
Si kastaba, waxaa la yaab leh in dal ciidankiisa jooga dal kale xiligii uu doono u qabsanayo kala bixitaankooda, halka dalkii la haystayna uusan hadli karin.
Idale News Online, Muqdisho