Ergeyga QM ee Dalka Yemen oo Sacuudiga ugu Baaqay In ay Joojiso Duqeymaha

0
375

Sannca(INO)- Mudane Ismail Ould Cheikh Ahmed oo ah wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan dalka yemen ayaa sheegay in ay dhaqan gashay xabad joojintii qaramada midoobey ee 11-ka bishaan April ay wada gaareen dowlada yemen iyo xuutiyiinta dalkaasi.

Ismacil Ould Cheikh Ahmed ayaa sheegay in labada dhinac ay wada ansaxiyeen dhaqan galka xabad joojintaasi. Waxaa  uu kaloo danjire ismaaciil uu ugu baaqay dowlada sacuudiga iyo xulufada carbeed in ay joojiyaan duqeenta wali ay ka wadaan dalka yemen meelo badan oo ka mid ah.

Ergeyga QM  ayaa Sidoo kale xusay hadii ay sii socoto duqeenta in ay bur buri doonto xabad joojinta ay hada sida isku midka ah ay u wada ansaxiyeen labada dhinac.

Dagaalada dalka yemen ayaa waxaa ku dhintay sida la qiyaasay dad gaaraya 6,500 oo ruux. Waxaa kaloo dagaaladaasi ku barakacay  dad ka badan 2.5 million oo qof.

Idale News Online, Sancca