Siyaasiga Eng. Saalax Sheekh Cismaan oo howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Yurub u Fadhiya Soomaaliya Alexander de Rhodes, Danjiraha Talyaaniga iyo Safiirka Britain ee Soomaaliya.
Aqoonyahan Saalax Sheekh Cismaan ayaa Mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arimo khuseeya Shirweynaha Koonfur Galbeed ee ka socda Magaalada Baydhabo.
Injineer Saalax ayaa u sharaxay Mas’uuliyiintaan sababaha keenay in Dowlad Goboleed loo sameeyo Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed iyo Arimo kale.
Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay in Mas’uuliyiintii uu kula kulmay Nairobi ay garwaaqsadeen qaladaadka ay ka galeyn Shacabweynaka Koonfur Galbeed.
Gabagabadii Eng. Saalax iyo Safiiradii uu la kulmay ayaa isku afgartay sidii looga wada shaqeyn lahaa midnimada dadyowga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Nairobi