EKMELEDDİN İhsanoğlu, Xoghayihii Guud ee Ururka Islaamka (OIC) oo Isbaheysiga Mucaaradka Turkiga u sharaxeen tartanka Madaxweynaha dalkaasi

0
182

ekmeleddin-ihsanoglu vs ErdoganDoorashada Madaxtinimada Dalka Turkiga ee Bisha August ee sanadkaan 2014 ka dhici doonta guud ahaan dalka Turkiga ayaa waxaa u taagan Ra’iisul Wasaaraha hadda talada dalka haaya ee Recep Tayip Erdogan oo xisbigiisa AK Party ay u soo sharaxeen qabashada xilkaasi iyo EKMELEDDİN İhsanoğlu oo ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Islaamka (OIC) oo isaguna isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka dalkaasi ay u doorteen inuu doorashada Madaxweynaha Turkiga uga qeyb galo.

İhsanoğlu oo isugu ka tirsan Xisbiga Nationalist Movement Party (MHP) ayaa bishii la soo dhaafey ee June waxay xisbiyada Mucaaradka ugu weyn dalkaasi ee CHP iyo MHP ay isla garteen inuu tartanka Jagada Madaxweynaha dalkaasi ugu qeyb galo si loo helo taageerada dadka Islaamiyiinta ah ee taageersan xisbiga AK Party, halka xisbiyada kale ee mucaaradka dalkaasi ay iyaguna sheegeen inay siin doonaan codkooda marka la gaaro xiliga doorashada.

Recep Tayip Erdogan ayaa cadaadis xoog badan waxa uu ka haystaa gudaha Xisbigiisa AK Party, oo in badan taageerayaashu ay ku biireen xisbiyada kale ee mucaaradka, waxaana doorashada dhici doonta bisha August ay noqon doontaa midii ugu adkeyd ee Erdogan uu kala kulmo xaliif hore oo xisbigii AK party ka tirsanaa, hase ahaatee haatan safka hore ugu jira kooxaha diidan siyaasada Ra’iisul Wasaare Erdogan.

Idale News Online.