Port-au-Prince(INO)- Duufaan loogu yeeray magaca «Matthew» oo xowligeeda lagu qiyaashay in ay ku socoto 220 kilomitir saacadda ayaa ku fool leh dalalka Jamaica iyo Haiti, waxaa ay arrintani walwal baahsan ku keentay shacabka ku nool labadaasi jasiiradood.Kooxaha hawada la socda ayaa sheegay in duufaantani sababi karto daadad, dabeylo xooggan, dhimasho iyo bur-bur hantiyeed baahsan, waana tan shacabka labadaasi dal ku abuuray wal-walka baahsan.
Hadda waxa ay duufaantani soo mareysaa meel 325 kilomitir galbeedka kaga aadan caasimadda dalka Haiti ee Port-au-Prince, waxaana ay shacabku mar horeba dareemayaan culeyska duufaantani. Dadka ayaa aaminsan in qaarkood ay la kulmi doonaan dhibaatooyin culus oo ay xitaa weyn karaan naftooda. Ma ahan markii ugu horreysay oo labadani dal ku dhuftaan duufaano xooggan, laakiin waa markii ugu horreysay oo duufaan xooggeedu la mid yahay tan iminka soo socota ku dhifato mudo 10 sanadood ah. Duufaantii hore ayaa waxaa ay ku dhacday sanadkii 2007, taas oo dhalisay khasaarooyin ay wali dadku si fiican uga soo kabsan.
|
|
Home Idale Somali News Update Duufaan xooggan oo ku fool leh dalalka Jamaica iyo Haiti iyo shacabka...