Duqeyntii Lagu Xasuuqay Ciidamada Galmudug Oo 3 arrin Sabab Looga Dhigay

0
173

Galkacyo(INO)- Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo laga helaayo dhanka mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, kaa oo ku saleysan duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Macluumaadka Duqeynta lagu fuliyay ayaa la sheegay inay lahaayen Sirdoonka maamulka Puntland, kadib markii ay xogahaasi oo ahaa kuwo khaldan la kaashteen Saraakiisha dowlada Mareykanka ka jooga Puntland.

Sababta Koowaad ee ugu weyn duqeyntaasi ayey Galmudug ku sheegtay inay leedahay Puntland, kadib markii ay uga faa’iideysatay diyaaradaha Mareykanka baahideeda gaarka ah.

Sababta Labaad ee duqeynta ayaa lagu sheegay Sirdoonka Puntland oo bixiyay Xog aan fadhin, iyadoo Deegaanka Jeexdan ee duleedka magaalladda Gaalkacyo horay u ahaan jirtay Saldhigyo ay ku dhuumaaleystaan Al-shabaab, balse hadda fariisin u aheyd ciidamada Galmudug, waxa ayna Sirdoonka Puntland weli aaminsanaayen in deegaanka Jeexdan ay ku yaalen Saldhigyada Al-shabaab.

Sababta Seddexaad ee weerarka ayaa lagu sheegay in Puntland ay deegaanka Jeexdan u dirtay Ergo Sirdoon ah kuwaasi oo qalab ku hagaayay diyaaradii duqeynta fulisay.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ee Saldhigoodu yahay Garoonka Gaalkacyo duqeyn u geysteen Saldhig ay Ciiddanka Qaranka ku leeyihiin Deegaanka Godod ee duleedka Koonfurta Gaalkacyo.

Saraakiisha Maamulka Puntland waxa ay weli ku adkeysanayaan in duqeyntaasi lala beegsaday Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Geesta kale, Duqeyntaani ayaa sii ololineysa colaad Siyaasadeedkii ka dhex oognaa maamulada Galmudug iyo Puntland.