Duqeyn ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacday cisbitaal ku yaala magaalada Alleppo ee dalka Suuriya

0
430

Idale News [INO] – In ka badan 27 qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo aan la xaqiijina waa ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo dowladda Bashaar Al-asad ay isbitaal ku yaal magaalada Alleppo ka geysatay in kasta oo uu jiray heshiis xabad joojin ah.

Duqayntan oo ka dhacday isbitaal lagu magacaabo Alqudus ayaa waxa ku dhintay dad isugu jiray bukaan iyo shaqaalihii caafimaadka oo uu ku jiray Dr Wasem Maaz oo ahaa halkii dhakhtar ee caanka ahaa ee ku haray magaalada Aleppo.

Shaqaalaha gurmadka ayaa meydka iyo dadka dhaawaca ah ka soo gurayey burburka hoostiisa. Dhimashada ayaa la filayaa inay sare u sii kici doonto maadaama ay jiraan dad dhaawac halis ahi soo gaaray.

Weerarkan ayaa ka mid ah weeraro ay dowladda Siiriya ka fulisay magaalada Alleppo kaasi oo lagu dilay 100 ruux tan iyo jimcihii lasoo dhaafay.

Idale News Online