MUQDISHO (INO)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa amar uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay muhiim tahay sare u qaadista Afka Somaliga.
Waxa uu amray dhamaan Boorarka ku yaallo magaalada Muqdisho ee afafka qalaad ay ku qoran yihiin in lagu bedelo afka Somaliga oo qoraalka laga dhigo.
Tani ayuu sheegay inay muhiim u tahay sare u qaadista afka Somaliga iyo qiimaha Bulshada uu la leeyahay, maadaama dadka ku nool caasimada ay yihiin Somali.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay Maanta isu soo bax ka dhacay Fagaaraha Daljirka Daahsoon ayaa waxaa uu sheegay in amarkaasi uu soo rogay maamulka,waxaana uu Ganacsatada ugu baaqay in ay amarkaasi u dhego nuglaadaan.
Guddoomiye Yuusuf ayaa sidoo kale Ciidamada amaanka amar ku siiyay in ay u howlgalaan fulinta amarka maamulka Gobolka Banaadir uu ku mamnuucay Boorarka ku qoran Laatiinka ee aan ahyn Af Soomaaliga.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaallo Boorar badan oo ay ku qoran yihiin afafka qalaad.