Muqdisho(INO)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo warbaahinta la hadashay ayaa ka hadashay cudur lagu sheegay in uu shuban Biyood yahay, oo dhawaan ka dilaacay deeganada Gobolada Jubooyinka.
Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in 82 qof uu soo ritay cudurkaan lagu sheegay in uu shuban Biyood, yahay kaasi oo 12 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga Gobalka Jubbada Dhexe.
“Magaalada Bu’aale oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Jubbada Dhexe wuxuu cudurku soo ritay 21 qof, hal ruux oo kamid ahna uu u dhintay, magaalada saakoow waxa uu cudurku soo ritay 54 qof, 11 ayaa u dhimatay, Halka Magaalada Jilib uu cudurka soo ritay 7 qof, mana jirin wax dhimasha ah ayay tiri wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa tilmaamtay in ka wasaarad ahaan ay garab taagan yihiin dadka uu soo ritay cudurka shuban Biyood ayna gar-gaar gaarsiin doonaan goobaha ay ku sugna yihiin dadkaas.
Idale News Online, Muqdisho