Khartum(INO)— Allaha u naxariistee Dr Xasan Al-Turaabi oo ahaa mufakir iyo siyaasi caan ah oo reer Sudan ah ayaa maanta ku geeriyooday Khartoum, ka dib markii xanuun ku soo booday. Waxa uu ahaa 84 jir.
Waxaa lagu soo warramayaa in isagoo shaqadiisa caadiga ku jira saaka oo sabti ah uu Coma galay, ka dibna uu laba jeer wadnuhu joogsaday, uuna galabta ku geeryooday Isbitaalka Royal Care ee Khartoum.
Muddooyinkii dambe Dr Turabi waxaa la sheegay in uusan caafimaadkiisu hagaagsaneyn uuna dhowr jeer Isbitaallo u tagay Paris iyo Dooxa.
Al-Turaabi waxa uu ahaa guddoomiyaha Xisbiga Almu’tamar Alshacbi ee mucaaradka ah, waxa uu soo noqday guddoomiye Baarlamaan. Waxa uuna ka mid ahaa dadka ugu caansan dhinaca Fikirka iyo Siyaasadda dalka Sudan iyo heer Caalamka Islaamka.
Waxa uu Cilmiga Qaanuunka ka bartay Jaamacadda Khartoum oo uu macallin ka noqday, waxa uu kaloo shahaaddo ka haystaa Jaamacadda Oxford ee Britain,sidoo kale waxaa uu shaqaaddada PHD ka qaatay Jaamacadda Serbon ee daka Faransiiska.
Turaabi oo aad u yaqiin afafka Englishka , Jarmalka iyo Faransiiska, ka sokow luqaddiisa hooyo ee Carabiga,waxa uu mid ahaa hoggaamiyeyaashii Ikhwaanul Muslimiinka Sudan, laakiin mar dambe ayuu isaga baxay oo uu doortay in uu noqdo mufakir madax bannaan.
Sanadkii 1994-kii ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Sudan,1998-kiina waxaa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga talada haya.
Laakiin sanad ka dib khilaaf xooggan ayaa ka dhex dillaacay hoggaanka xisbiga, waxa ayna is qabteen madaxweyne Albashiir oo ay markii hore xulafo dhow ahaayeen, taas oo keentay in Alturaabi laga xayuubiyo xilkii guddoonka baarlamaanka iyo xilalkii kale ee uu ka hayay Xisbiga talada haya.
2001-dii ayuu sameeyay xisbiga Almu’tamar Alshacbi ee mucaaradka ah, marar badan ayaana la xiray wixii xilligaas ka dambeeyay.
In kastoo lagu kala aragti duwanaa aragtiyo uu qabay Alturaabi iyo Fatwooyin dood badan dhaliyay oo nolosha iyo caqiiddada la xiriiray, haddana waxaan la isku khilaafsaneyn in uu ahaa doodaa aftahan ah iyo aqoon yahan ka sheeggan dunida Islaamka, aadna isugu kalsoon.
Liban Abdi Ali, Warbaahinta
Idale News Online, Khartum