Dr. Gaas ”Xassan Sheekh isaga ayaa cuqdada nabiday isaga ayayna ku danbeyn doontaa”

0
857

Muqdisho (INO)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa si adag uga hadlay waxyaabaha ku qasbaaya inay qaatan go’aanada adag.

Dr. Gaas waxa uu sheegay in madaxweyne Xassan uusan daacad u aheyn Somalia, waxa uuna ku eedeeyay in 24 saac uu ka shaqeynaayo sida Puntland iyo caalamka uu isaga horgeyn lahaa.

Gaas waxa uu sheegay in xiliyadii hore ay Puntland aheyd mid la dhaqanta maamulada kale, balse iminka aysan u muuqan wado ay kula dhaqmaan Xassan Sheekh iyo maamuladaasi.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uusan laheyn axdi lagula shaqeeyo, waxa uuna tusaale usoo qaatay in dhowr jeer uu ka baxay Heshiisyo iyo go’aano ay wada gaaren.

Waxa uu Gaas cadeeyay in ad adeega iyo diidmadooda uu sabab u yahay Xassan Sheekh, sidaa aawgeedka ay diyaar u yihiin inay ka jawaab celiyaan wax waliba oo uu Xassan go’aansado.

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay in ficilada Xassan Sheekh ay sabab u tahay in Puntland ay ka dido misna ay cuqdad ka qaado Dowlada Somalia, hayeeshee uu isaga cuqdad iyo jahwareer ku danbeyn doono.

Ugu dambeyntii, Haddalka C/wali Gaas ayaa u muuqda mid uu Siyaasad ahaan ku doonaayo in Xassan Sheekh uu uga cad goosto masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Idale News Online, Muqdisho