Dr. Gaas ” Shariif Xassan nagu siyaasad maaha waxa uu adeege u yahay Xassan Sheekh”

0
1335

Muqdisho (INO)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo ku sugan magaalada Abu-Dubai, ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay ku kala tageen Siyaasiyiin farabadan.

Dr. Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay in ragga ay ku kala tageen Siyaasada uu kamid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uuna tilmaamay in Shariif uu yahay nin ay bixin la’ yihiin Siyaasadiisa.

Madaweyne Shariif Xassan ayuu sheegay in Siyaasad ahaan uu yahay mid ku dhow Madaxweyne Xassan Sheekh sidaa aawgeedna uusan ku xisaabin dhankooda.

Siyaasada Somalia ayuu sheegay inay tahay mid kala geysay isaga Siyaasiyiin badan, waxa uuna carab dhabay in marnaba uusan qaadan doonin Siyaasad ay wadaag ku yihiin Xassan Sheekh, Shariif Xassan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Shariif Xassan uu mar waliba yahay mid u taagan khilaaf iyo in uu garab boodo Madaxweyne Xassan Sheekh, sidaa aawgeedna aysan is qaadan karin wakhtiga lagu jiro.

Dhanka kale, Xassan Sheekh ayuu cadeeyay in qudhiisa uusan ka maarmin Madaxweyne Shariif Xassan, balse ujeed waliba uu yahay mid kusoo dhamaanaaya maslaxad gaar ah.

Idale News Online, Muqdisho