Dr.Gaas oo safar qaadanaya todobaad ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta

0
230

GAROWE(INO)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gelinkii dambe u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga sii gudbayo dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

C/wali Gaas oo wariyeyaasha la hadlayay ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa sheegay in safarkiisa uu la xiriiro amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulkiisa.

“Safarka aan ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaa howlo la xiriira arrimaha amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa rajeyneynaa in safarkaas alle nagu guuleyn doono, oo wax badan oo kheyr u ah Puntland iyo shacabkeeda aan ka keeno, kana soo faa’idno”ayuu yiri C/wali Gaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha Puntland uu la xiriiro dhameystirka qorshaha Imaaraadka Carabta kula wareegayaan Dekeda Boosaaso, iyadoo uu jiro heshiisyo horu-dhac ah oo ay wada galeen Gaas iyo Imaaraadka Carabta.

Labadii bil ee ugu dambeeyay ayaa Madaxweynaha Puntland tiro labo jeer booqasho ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana xusid mudan in aanay cidna ku wehlin safarkiisa, sida Wasiirada maamulkiisa.

C/wali Gaas ayay dad badan ku dhaliilaan safarada badan, waxaa la sheegaa inuu yahay Madaxweynihii ugu safarka badnaa ee soo mara Puntland, sidoo kale waa Madaxweynaha kaliya ee madaxda maamul goboleedyada oo safarka ugu badan ku taga Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maamulkiisa uu kacdoon uga imaanayo ciidamada, kuwaasoo maalmahan bilaabay gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan muddo bilooyin ah.