Dr.Gaas Oo Qorsheynaya Inuu Saxiixo Heshiis Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo UAE

0
202

Bosaaso(INO)— Warar maalmihii la soo dhaafay si aad ah u soo xoogeysanayay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis Dekeda magaalada Boosaaso loogu wareejinayo Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Gaas ayaa xaqiijinaya inuu heer gabo gabo ah marayo wada hadalada la doonayo in Shirkadda DP World loogu wareejiyo maamulka Dekeda Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland oo todobaadyo ka hor booqasho ku tagay Imaaraadka, kaddib doorashadii Madaxweynaha ayaa la xiriirtay wada hadalada Dekeda Boosaaso.

C/wali Gaas ayaa Dubai tagay, isagoo aanay cidna wehlin, iyadoo la sheegay in Wasiirka Maaliyadda Puntland uu diiday inuu u raaco, si uu uga qariyo ujeedka safarkiisa iyo qorshaha uu u socday oo ahaa wada hadalada Dekeda Boosaaso ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayo.

Mr Gaas ayaa haatan ku sugan magaalada Boosaaso, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Maamulka Gobolka Bari, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka, waxaana socda qorshe isku shaandheyn uu ku sameynayo Golaha Wasiirada.

Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland ayaa tallaabada uu doonayo Madaxweynaha Puntland ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana, iyadoo aan ogolaansho looga heysan Baarlamaanka uu doonayo in heshiis hoose ula galo Imaaraadka Carabta.

Dowladda isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada ka jira dalka, iyadoo si dhow ula macaamisha Madaxda maamulada oo ay marar badan ugu yeertay Dubai.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan heshiis muran badan dhaliyay la gashay Maamulka Somaliland, waxaana heshiiskaas ka mid ahaa in shirkadda DP World lagu wareejiyo maamulka Dekeda Berbera iyo saldhig Milateri oo Imaaraadka Carabta ka sameysto Berbera.