Buraashleyda Harti Daarood Oo Lagu Soo Darey Gollaha Wasiiradda Dowlada KG Soomaaliya

0
320

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aaden ayaa Wasiiru Dowlaha Maaliyada u Magacaabey Ismaaciil Aaden Diiriye.

ismaaciil

Magacaabista Wasiirkaan cusub ayaa timid ka dib markii cadaadis badan ku yimid Madaxweyne Shariif Xasan oo golihiisa Wasiirada ka qadiyey Shacabka loo yaqaan Buraashadley Ee asal ahaan kasoo jeeda Puntland  Isla markaana  Degan Gobolada Bay iyo Bakool.

Ismaaciil Aaden Diiriye Wuxuu horey usoo noqdey Agaasimaha Hay’ada Daryeelka Puntland Xukuumadii Madaxweyne Faroole.

Ismaaciil Aabihiis Aaden Diireye wuxuu barisamaadkii ahaa xildhibaan lagasoo dooran jirey Gobolka Bakool.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here