Garowe(INO) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay ciidamada maamulkiisa kula jiraan kuwa Somaliland kaasi oo baryahaani ka socday deegaano ay labada maamul ku muransan yihiin.
Madaxweyne Gaas, waxa uu sheegay in dagaalka ay ciidamadiisa la galeen kuwa Somaliland uu ahaa mid geystay khasaaro kala duwan oo labada dhinacba ah.
Gaas waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay in dagaalkaasi ay ku dhintaan dad shacab ah, waxa uuna sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in shacabka Puntland ay garab siiyaan ciidamada maamulka ee dagaalka kula jira kuwa maamulka Somaliland.
Gaas waxa uu sheegay in xiliga lagu jiro uu yahay xiligii garab lasiin lahaa ciidamada maamulka waxa uuna ka digay in shacabka Puntland ay indhaha un ka fiirsadaan dagaalka socda.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in shacabka ay ciidamada ugarab istaagaan sidii ay u dhiiragelinayeen dagaaladii ka dhacay deegaanada Puntland oo ay la galeen Al-shabaab.
Haddalka C/wali Gaas, waxa uu kusoo beegmayaa xili ciidamada maamulka Somaliland ay la wareegen gacan ku heynta dhowr deegan kuwaasi oo ay ka arimin jireen ciidamada Puntland.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay