Garowe(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona golaha Wasiirada maamulkaaasi sida ay Idale News Online u sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland.
Isku shaandheyntaan ayaa bilihii lasoo dhaafay soo jiitamaysay , waxaana Madaxweyne Gaas maalmaha soo socda uu sameyn doonaa isku shaandheynta.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kulamo kala duwan kula qaadanaya Waxgaradka Puntland , isagoona kala hadlaya isku shaandheynta iyo sidoo kale qaabka ay u dhici doonto.
Madaxda ugu Sareysa Puntland ayaa xalay ilaa iyo shalay kulamo gooni gooni ah kulahaa Magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso hadda waxaa ku sugan Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa la rajeynaya in ay kusoo biiraan Wasiiro cusub ,halka kuwo kalena ay xilka waayi doonaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil xooggan kala kulmaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Magaalada Garoowe.