Dr. Gaas Oo Beesha Caalamka Uga Gar Helay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0
690

Muqdisho (INO)- Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa ciriiri geliyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kadib markii uu sheegay in madaxweynaha uu diiday in mar hore xuquuqda gobolka Banaadir uu ku leeyahay aqalka sare ee baarlamaanka.

C/Welli Gaas, wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan uu horay u diiday in xildhibaanada lagu soo xulaa qaab degmo ama heer gobol, taasi oo sahli laheyd in gobolka Banaadir uu helaa xubno badan oo baarlamaanka kaga mid noqdaa.

Kulanka dooda badan dhaliyay ee madasha ayaa waxaa hareeyay dood siyaasadeed uu la shartagay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas oo sheegay in Xasan uu diidaa in qaab gobol lagu qeybsadaa xildhibaanada kamid noqonaya aqalka sare, taaso oo keentay in xaqa Banaadir laga waayaa aqalka sare.

Haddii heer degmo lagu qeybin lahaa ayuu ku dooday in gobolka Banaadir oo ka kooban 18 degmo uu heli lahaa xubnaha ugu badan ee aqalka sare, laakiin haatan ay dhacday in xaqii uu lahaa waayo maadaama uusan laheyn dowlad goboleed gaar ah.

Ugu dambeynti, C/kariin Guuleed, Shariif Xasan iyo Xasan Sheikh ayaa ka sinnaa in nidaam 4.5 lagu saleeyaa doorashada sanadkaan, halka Gaas iyo Axmed Madoobe ay doonayeen in qaab deegaan wax lagu qeybsadaa, inkastoo markii dambe ay tanaasuleen.

Idale News Online, Muqdisho